381 Views

Booliiska Soomaaliya oo ka shiray adkeynta Amniga dalka

Booliiska Soomaaliya oo ka shiray adkeynta Amniga dalka
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, shir kula qaatay saraakhiisa sarsare ee Ciidanka Booliska.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Hoggaamada, Fadhiyada Madaxa Bannaan, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Qaybaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud Dalka, iyo sugida amniga doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sidii ay ugu gulaysteen sugidda amniga doorashooyinka oo muddo ka socday dalka, isaga oo faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga ee maalmaha Ciidda ee inagu soo aaddan, si shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post