825 Views

Sen. Faroole oo mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sen. Faroole oo  mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

 Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Senetor Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqday xubintii u horraysay ee maanta lagu doortay doorashada Aqalka sare ee ka socota Garoowe.

Faroole ayaa 54-cod kaga guulaystay Maxamed Cismaan Colaad oo kula tartamay xilkan islamarkaana helay 11-cod oo keliya.

Ex. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore Puntland madaxweyne uga soo noqday 2009/2014.

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa isna cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay Kawsar Cabdullaahi oo la tartamaysay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post