687 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay safiirada Turkiga & Qatar

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay safiirada Turkiga & Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo todobaadyadii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo uu kulamo ka bilaabay.

Madaxweyne laftagareen ayaa Muqdisho waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya  Mehmet Yılmaz & Safiirka Qatay ee Soomaaliya Hasan Bin Xamsa, waxaana labada dhinac uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb, Mehmet Yılmaz uga tacsiyadeeyay muwaadiniinta Turkiga ah eek u waxyeeloobay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagula eegtay wadada xiriirisa muqdisho & Afgooye.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed   ayaa Safiirka Qatay ee Soomaaliya Hasan Bin Xamsa waaxaa uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda kala duwan oo dowladda Qatar ay ka hirgelineyso deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo safiirka uu balan qaadaya qabashada howshaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ayaan ka qeyb-gelin shirkii Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ku qabteen Magaalada Garoowe, kaas oo shalay la soo geba-gabeeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post