690 Views

Xildhibaano hore oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Muqdisho

Xildhibaano hore oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 23, 2021
—Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Muqdisho lagula eegtay gaari ay saarnaayeen Xildhibaano hore Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax,  iyada oo la sheegay in Xildhibaannada hore ay qaraxa ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa ay ku dhinteen Afar askari oo ka tirsanaa ilaalada mas’uuliyiintan, kuwaas oo gaariga saarnaa xilli la qarxinayay oo ay marayeen agagaarka Sarta Beexaani ee degmada Shibis.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo ku dhow saacad joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay.

Laamaha ammaanka Soomaaliya iyo Maamulka degmada Shibis weli kama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen Xildhibaano hore ee kala ah Xildhibaano hore Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax..

Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kusoo batay Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana ku dhintay mas’uuliyiin iyo askar intaba

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post