885 Views

Dab qabsaday dhismaha Jaamacadda ugu weyn Afrika

Dab qabsaday dhismaha Jaamacadda ugu weyn Afrika
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Dab xooggan ayaa qabsaday dhismaha jaamacadda ugu weyn Afrika ee Makarere ee dalka Uganda.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta dabka dhalisay, sidoo kale lama hubo in dad ay ku jireen gudaha dhismaha markii dabku kacayay, waxeyna maamulka jaamacaddu sheegeen in dabku yahay mid xooggan.

Waaxda dab damiska Boliiska ayaa isku dayaya xakameynta dabka, waxaana muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ka muuqanaya holac ka baxaya dhismaha caanka ah ee jaamacadda oo loo yaqaano Ivory Tower.

Dabka ayaa ku sii faafaya saqafka sare ee jaamacadda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post