498 Views

Daaud Cadar Cilmi oo lagu Dilay Muqdisho Xalay iyo Faahfaahin laga Helay Dilkiisa

Daaud Cadar Cilmi oo lagu Dilay Muqdisho Xalay  iyo Faahfaahin laga Helay Dilkiisa
____________________________________________________________________________

Isniin: April 18, 2022

Askari ka tirsan ciidanka Booliska DF ayaa isgoyska Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah maqribnimadii caawa.

Daa’uud Cadar Cilmi oo ka mid ah dhalinyarada ku xamaasha booto bajaajka ayaa waxaa si bareer ah rasaas ugu furay askari ka tirsanaa ciidamo Boolis ah oo ku sugan bar kontrol oo ku taalla aargada laga galo degmada dayniile.

Xiliga dilku dhacayey ayaa waxaa goobtaas ka jirtay saxmad ama mashquul badan, maadaama la joogay xiligii afurka.

Askariga dilka geystay ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen inuu ka baxsaday goobta, iyadoo meydka wiilkii lagu dhex dilay mootadiisa loo qaaday xarunta dembi baarista Booliska CID ee magaalada Muqdisho.

Robabkaan.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post