3540 Views

Maydadka dadkii lagu dilay Bariirre oo maanta la aasayo

Maydadka dadkii lagu dilay Bariirre oo maanta la aasayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 31  2017 – Ehellada Dadkii dhawaan lagu dilay degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa la filayaa in maanta la aaso kaddib markii ay arrintaas xal ka gaareen Dowladda Federaalka ah iyo Ehellada dadkaas.

Xasan Xaaji Axmed oo ka mid ah Ehellada dadkaas ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dowladda iyo Ehellada Dadkaasi ay heshiis ka gaareen,islamarkaana maanta lagu aasayo Qubuuraha Muslimiinta ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dowladda Federaalka ah ayaa guddi baara arrintan u saartay waxaana laga filayay shalay in ay soo bandgigaan natiijada ka soo baxda iyada oo kaddibna ay soo baxday in Guddigaas ay Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ka sheegaan.

Xasan Xaaji waxaa uu ka gaabsaday in dowladdu magdhow bixiyay iyo in kale,waxaana uu intaas ku daray in Dowladda iyo Eheladda dadka la laayay ay heshiiyeen.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment