777 Views

AMISOM oo billowday baaritaan Xasuuqii deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

AMISOM oo billowday baaritaan Xasuuqii deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taas oo dhacday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay VOA u xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal kula galeen maleeshiyada Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah.

Sidoo kale Natiijada ka soo baxda baaritaankan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post