465 Views

Shirkadda Oscar oo dharbaaxo kulul ku dhufatay Will Smith

Shirkadda Oscar oo dharbaaxo kulul ku dhufatay Will Smith
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

Shirkadda qabanqaabisa xafladaha abaalmarinta aflaamta ee Oscar-ka loo yaqaano ayaa go’aamisay in muddo 10 sano ah laga mamnuuco xafladahaas atoore Will Smith oo qof ku dharbaaxay xafladdii ugu dambeysay.

Smith ayaa qudhiisa marhoreba iska casilay ka mid ahaanshaha Oscar-ka , isaga oo qirtay in uu qalad sameeyay.

Will ayaa dharbaaxay Chris Rock oo ah majaajiliiste kadib markii uu ku kaftamay madaxa xiiran ee xaaska Smith, Jada Pinket, taas oo ay timaha ka daadiyeen cudur haya awgiis.

Ciqaabta Smith lagu xukumay waa mid ka sahlan tii dad badan filayeen oo ahayd in ay kala laabtaan abaalmarinta Oscar-ka oo uu ku heley filim uu ka jilay aabaha dhalay Serana iyo Venus, Richard.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post