828 Views

Xaalada isgoyska KM4 oo caadi ku soo Noqotay iyo Ciidamada labada dhinac oo is hor fadhiya..

Xaalada isgoyska KM4 oo caadi ku soo Noqotay iyo Ciidamada labada dhinac oo is hor fadhiya..
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

Waxaa Dagan xaalada Isgoysdka KM4 oo Rasaas  ay isku waydaarsadeen Ciidamo ay Hogaaminayan Musharixiinta Xasan Cali kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur oo ay la socdaan Boqolaal banaanbaxayaal ah, Saacad ka hor.

Iska hor imaadkan oo aan la ogayn waxa uu qasaare gaystay ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hotel afrik iyo isgoyska KM4 oo ay joogeen Ciidamada Haramcad oo uu Hogaaminaayo Farxaan Qaroole.

 Bannaan bax ay ka soo bilaabeen dhanka Hotelka Jazeera oo ay horkacayeen Musharaxiinta kala ah C/kariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ayaa rasaas ku bilaabatay markii ay ku soo dhowaadeen agagaarka Isgoyska KM4.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada labada dhinac ay isku hor fadhiyaan halkaas, waxaana laga Cabsi qabaa in ay halkaas soo gaaraan Ciidamo kale oo labada dhinac ah oo Gurmed ah.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post