990 Views

Eritea oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray

Eritea oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 5da Maarso, 2021:-Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in ciidamada Eritea ay “dembiyo dagaal” ka gesteen gobolka Tigray ee Itoobiya.

Waa hay’addii labaad ee caalami ah ee todobaad gudihii ku eedeysa ciidamada Eritea inay beegsadeen dad rayid ah mudada uu socday dagaalka Tigray, inkastoo ay eedeyntaas beenisay xukuumadda Asmara.

Hay’adda kale ee Amnesty International ayaa horraantii todobaadkan shaacisay in ciidamada Eritrea ay dhac iyo dilal sharciga ka baxsan ka fuliyeen gobolka Tigray.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in askarta Eritrea ay xasuuq ka geysteen magaalada qadiimiga ah ee Axum, halkaas ay ku laayeen shacab ay kamid yihiin carruur da’doodu ka yartahay 13 jir.

“19-kii November, ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa si aan kala sooc lahayn u duqeeyay magaalada Axum, waxaana halkaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad rayid ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta Human Rights Watch.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post