1047 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga xaqiijinta haweenka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga xaqiijinta haweenka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 18, 2021–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta haweenka ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen  xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, islamarkaana hadda Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilaabaan ay ilaalin doonaan qoondada.

Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’an in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Rooble, waxaa ay hadda waddaan dadaallo ay  maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post