306 Views

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland oo dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay Dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland oo  dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay Dalkaas.
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 15, 2022

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay xaafad ku taalla dalkaas oo u dhow xadka Ukraine.

Dowladda Poland ayaa goor sii horreysay sheegtay inaysan caddeyn u heyn cidda ka dambeysa gantaalkaas.

Xukuumadda Mocow ayaa beenisay eedeymaha ah inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada Ukraine ay ku dhaceen Poland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in aysan dhici karin” in gantaalkii ay ku dhinteen labada qof ee ku dhacay dalka Poland laga soo riday dhinaca Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post