669 Views

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay koox burcad ah iyo xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay koox burcad ah iyo xubno ka tirsan Al-shabaab
____________________________________________________________________________

.

isniin: November 1, 2021

Ciidamada booliska ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri,iyo Hoteelo, waxaana  u ahaa mid ka dhan ah Xoojinta ammaanka iyo Burcadda dadka shacabka ah ka furata agabkooda, waxaana holwgala hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud

Ciidamada ammaanka ayaa inta ay ku jireen howlgalkaan waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan dad ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka.

Habeenadii lasoo dhaafay waxay ciidamada magaalada Bosaaso ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah burcadda dhalinyarada ah, waxaana weli socda howlgalladaas nadiifinta ah.

Xaafadaha qaar ciidamada waxaa kala shaqenaayay Dadka shacabka ah si shacabka ay u helaan nabad geliyo, meeshana looga saaro kooxaha burcadda ah ee mararka qaar isku daya inay shacabka dhacaan.

Sidoo kale howlgalladaan waxay ku soo aadayaan iyadoo dalku uu galay xilli doorasho, isla markaana hey’adaha ammanka Gobalka Bari ay muujinayaan feejignaan dheeri ah madaama Magaalada Bosaaso ay ka mid tahay magaaloyinka lagu qaban doono doorashada kuraasta xilibaanada aqalka hoose soomaaliya.

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post