2310 Views

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  July 03, 2018 –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Waaxda Maajo ee degmada Waaberi, gaar ahaan xaafada Afasiyooni.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabkada Qaranimo Online u sheegay in Miinadan ay halkaasi kaga dhacday gaari nuuca raaxada ah oo wadada marayay, kadibna ay xigtay inay qaraxdo.

 

Saraakiisha ammaanka ayaa inoo sheegay khasaaraha ka dhashay qaraxan inuu yahay geerida wiil da’iidsa lagu qiyaasay 10 sano, kaasi oo xilliga uu qaraxa dhacayay ka akdhawaa goobta.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi u tagay baaritaano ayaa in mudo ah hakiyay isu socodka wadadaasi, waxayna sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinayay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in ciidamada ay soo qabteen laba ruux oo lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkan qaraxa ah

Xalay fiidkii ayaa qarax miino oo ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska Banaadir waxaa ku dhaawacantay Todobo ruux, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan u muuqda mid faraha ka sii baxay.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment