870 Views

Markab dagaal oo ay Iran leedahay oo la burburiyay

Markab dagaal oo ay Iran leedahay oo la burburiyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 11 2020–Sida uu baahiyay Telefishinka Iran mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Iran ayaa quusiyay Markab kale oo ay isla iiraan leedahay.

Warar horey u so baxayay ayaa sheegayay in tiro ciidamada badda ah ay dhinteen ka dib markii mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka Iiraan oo lagu magacaabo, Jamaran, islamarkana tijaabinayay gantaal lnooca Maraakiibta lagu burburiyo ah uu gantaalkaas si aan ula kac ahayn ugu dhacay Markab kale oo ay isla Iiraan leedahay.

Wakaalada wararka ee Iran ee Fars ayaa sheegtay in mashaqadan ay dhacday xilli ay ciidamada badda ku guda jireen “dhoolatus militari ” oo Axaddii ka socday gacan biyoodka Hormuz.

Ciidamada qalabka side ee Iiraan ayaa si joogta ah u qabta dhoolatusyada Militari.

Sida ay sheegayaan warar aan rasmi ahayn Markabka dagaalka ee, Jamaran – oo ah mid ay ku howlgalaan ciidamada ilaalada kacanka Iiraan -ayaa ka hormaray xilligii ay ahayd in gantaalka la rido islamarkana waxaa uu haleelay Markab kale, oo lagu magacaabo Konarak, oo ka soo socday goobtii bartilmaameedku ahaa.

Muqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya wax lagu sheegay dhaawacyada Badmaaxiin lagu qaadayo gaari ah nooca gurmadka deg-dega.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment