675 Views

Qaramada Midoobey oo sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda shacabka ku nool Tigray

Qaramada Midoobey oo  sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda shacabka ku nool Tigray
____________________________________________________________________________

Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda shacabka ku nool Tigray maadama aan la difaaceyn xilli uu socdo dagaalka u dhexeeeyo dagaalyahanada Tigray iuo ciidamada federaalka.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadanimada ayaa sheegay in ha’yadaha gargaarka aysan geli karin Tigray si cunto iyo adeeg caafimaad loo gaarsiiyo shacabka ku go’doonsan gobolka xilli howlgallada ay horseedeen in uu meesha ka baxo xiriirkii isgaarsiinta.

Suudaan waxay sheegtay in dalkeeda ay soo gaareen ugu yaraan 11,000 oo kasoo qaxay gobolka Tigray, inkasta oo Qaramada Midoobey ka digtay in tirada dadka qaxaya ay sare u sii kici karto.

Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay “iska difaacaan duulaanka” dowladda federaalka ee Itoobiya.

Waxaana lagu soo warramayaa in kumanaan qof ay labada dhinac dagaalka uga dhinteen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post