789 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay kulan lagu sagootinayay Xildhibaanada cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay kulan lagu sagootinayay Xildhibaanada cusub
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu sagootinayey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku Metelaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Afarta sano soo socota oo xalay ka dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xildhibaanada cusub kula dardaarmay in ay si sax ah u gutaan waajibaadka ka saran badbaadinta dadka iyo dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa gudiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed Koonfur Galbeed iyo dhammaan dadkii qeybta ka ahaa ku ammaanay in guul laga gaaro doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post