5316 Views

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 19, 2016: Madaxii Xarunta Cilmi baarista iyo wada-tashiga ” CRD ” Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu si rasmi uga dhawaaqo magaalada Muqdisho Musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha ee doorashada 30-ka October.

Jabriil oo 20-kii sano ee la soo dhaafay ka soo shaqeeyay arrimaha nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka ayaa lagu tilmaamaa Musharax miisaan leh marka la eego Musharaxiinta kale, waxaana loo arkaa inuu halis ku noqon karo damaca Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonaya inuu mar kale xilka qabto, in kastoo an la hubin

Qaban qaabada munaasabada uu Musharaxnimadiisa ku soo bandhigayo Mudane Jabriil ayaa labadii maalmood diyaar garowgeeda aad looga dareemayay magaalada Muqdisho, waxaana Musharraxan dhalinyarada ah la filayaa inuu la yimaado qorshayaal ka duwan Musharaxiinta kale ee illaa iyo haatan is sharaxay, kuwaas oo an horay qaarkood loo aqoonin.

musharax-jibril-ibrahim-cabdulle-4

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ay isku beel yihiin Madxaweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, marna ay ka soo wada shaqeeyeen Hey’adda CRD ayaa lagu tilmaamaa nin xog ogaal u ah xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo labaatankii sano ee u dambeeyay ku dhax jiray howlo isugu jira jira arrimaha bulshada, sida dhiira gelinta dhalinyarada, nabadeynta iyo dib u heshiisiin ka soo shaqeeyay.

Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa heysta fursad ka duwan tan ay heystaan Musharaxiinta kale ee horay u soo qabtay xilal, isla markaana wajiyadooda ka soo muuqday masraxa siyaasadeed, waxaana dad badan ay sheegayaan in Jibriil uu leeyahay waayo aragnimo gudaha dalka iyo caalamka ah.

Xaflada Musharaxnimadiisa uu kaga dhawaaqo ayaa lagu wadaa in Telefishinada qaar si toos ah looga daayo, waxaana dad badan oo dibadaha jooga ay isugu tagi doonaan Hotelo, si ay u daawadaan.

Ololaha Musharraxnimo ee Mudane Jabriil ayaa waxaa hoggaaminaya Dhalinyaro aqoonyahano ah, waana tan kaliya ee dad badan rumeysan yihiin inuu kaga duwan yahay Musharraxiinta kale oo isku bahaysta hal Dallad hosteed.

musharax-jibril-ibrahim-cabdulle-3 musharax-jibril-ibrahim-cabdulle-2

.

.

.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment