888 Views

a Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeed muhiim ah

a Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeed muhiim ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 12 , 2019 | QOL |   –Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

 

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

 

 

 

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen.

 

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL, waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo holwgalkii ay kusoo geba-gabeeyeen weerarkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment