447 Views

Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo goordhaw la dilay

Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo goordhaw la dilay
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 11, 2022



Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim, sida ay BBC-da u xaqiijiiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.

Qaraxa ayaa loo malaynayaa in la dhigay goob uu fadhiyay guddoomiyaha degmada, waxaana la dhintay mid kamid ah ciidankii ilaaladiisa ahaa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley, Siid Cali Ibraahim.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin qaraxan lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley, waxaana qaraxan iyo saameyntiisa si weyn looga dareemay Qoryooley.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post