1209 Views

Sheekh Bashiir “ Dilka Ikraan Tahlii waa in ay NISA meel saartaa waa qofkii sheega ma dhaafto

Sheekh Bashiir “ Dilka Ikraan Tahlii waa in ay  NISA meel saartaa waa qofkii sheega ma dhaafto
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

Waxaa 48 saac ee la soo dhaafay qaylo dhaan Buuxda ka soo baxaysay Culumada, Haweenka siyasiyiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed  taas oo ku aadan Dilkii Foosha Xumaa ee NISA u gaysatay Ikraan Tahliil.

Waxaa dadkii arintaas ka hadlay ka mid ah Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kiiska Ikraan Tahliil Faarax  dowladda ugu baaqay in jawaab waafi ah oo dadku ay ku qancaan ay ka bixiso kiis gabadhaas oo hey’adda NISA ay xalay baahisay inay dileen Al-Shabaab, halka Al-Shabaab-na ay iska fogeeyeen dilka iyo afduubka gabadhaas.

Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan ku tagri falin awoodeeda oo kiiska gabadhaan iyo kuwii horay u dhacay ay jawaab cad ka bixiso, shacabkana ka qanciso, halka shacabkana uu ugu baaqay in wax kasta ay dowladooda uga dambeeyaan.

 “Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale qabaa’ilada  ayuu ugu baaqay in aysan is dhibaateyn oo qadarta ay ku qancaan, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta kiiska Ikraan loo afduubto dad aan waxba galabsan oo heybtooda lagu beegsanayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post