1245 Views

wadamada G7 oo kulan deg deg ah ka yeelanayna xaaladda ka taagan Afghanistan.

wadamada G7 oo  kulan deg deg ah ka yeelanayna xaaladda ka taagan  Afghanistan.
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

madaxda wadamada ku jira ururka G7 la yiraahdo ayaa maanta kulan gaar ah oo deg deg ah ka yeelanayna xaaladda ka taagan dalka Afghanistan.

R/wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo shir gudoominaya kulankaan gaar ah ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay uu yahay xaaladda dalka Afghanistan oo hadda ay ka xirto xaalad jahwareer ah.

R/wasaare Johnson waxaa uu ku sheegay qoraal uusoo saaray in madaxda kulankaan ka qeyb galaysa ee ka socda dawladaha ku jira ururka G7 ee dhaqaalaha ku hormaray in si gaar ah diirada lagu saarayo kaalmeynta dadka reer Afghanistan iyo in gacan laga geysto sidii loo fududeyn lahaa daad gureynta dadka dalkaas ka baxaya ee Taliban ka cabsi qaba.

Dhanka kale hay’adda Q,M u qaabilsan ee Human Rights Watch ayaa sheegtat inay ka walaacsantahay sida ay noqon karto nolosha dadkii u shaqaynayay dawladii Afghanistan iyo dadkii kale ee la shaqaynayay ciidamada ajanabiga ah haddii aan laga daad gurayn dalkaas.

Agaasimaha Human Rights Watch haweeneyda la yiraahdo Michelle Bachelet ayaa sheegtay in walaaca ugu weyn ee ay qabaan ay tahay sida ay noqon doonta dadkii dawlada la shaqaynayay iyo haweenka dalkaas.

Qiyaastii ku dhawaad 50 kun oo qof ayaa la qorsheeyay in dalkaas laga daad gureeyo wax aka horeeya 31 bishaan August.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post