663 Views

Ra’iisal wasaare Rooble oo u ambabaxay Imaaratka xilli uu raali gelin siiyay horaantii bishan

Ra’iisal wasaare Rooble oo u ambabaxay Imaaratka xilli uu raali gelin siiyay horaantii bishan
____________________________________________________________________________


Axad: January 30, 2022

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Waxaa isla qoraalkaas ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay inuu kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Safarka ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli horraantii bishan Janaayo uu raali gelin siiyay Imaaraadka, isagoo u balanqaaday in dib ugu celinayo lacag dowladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka Aadan Cadde April sanadkii 2018-kii.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa noqonaya masuulkiii u horreeyay oo heerkiisu sareeyo oo dowladda Soomaaliya ka socda oo booqasho ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post