1113 Views

-Dibadbaxyo rabshado wata oo ka bilowday magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan

-Dibadbaxyo rabshado wata oo  ka bilowday magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan
____________________________________________________________________________


Isniin: October 25, 202

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka bilowday magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan saacado kadib markii la xiray R/wasaaraha dalkaas iyo wasiiro xukuumadiisa ka tirsanaa.

Dad caraysan ayaa xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimada gaar ahaan wadada madaxtooyada waxaana sawiro lasoo qaaday ka muuqda dibadbaxayaal taayaro gubaya.

Ciidamo tiro badan ayaa loo daabulay magaalada Khartuum kuwaaso iyana wadooyinka qaar xiray.

Ciidamada ayaa la geeyay xarunta telefishinka dawlada iyo xarumaha kale ee dawlada.

Garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ayaa sidoo kale maanta xiran sidoo kalena magaalada bandaw laga dhigay.

Sidoo kale internetka ayaa hawada laga saaray Ururka jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay tilaabada ciidamadu ku xireen r/wasaarihii dalkaas Cabdalla Xamduuk iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa oo lagu eedeeyay inay ciidamada ka hor yimaadeen.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post