1074 Views

Maxay tahay sababta uu isku casilay Wasiir Dhalac?

Maxay tahay sababta uu isku casilay Wasiir Dhalac?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/kariin Khaliif dhalac ayaa  ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa Xukuumadda Kheyre tan iyo markii lasoo dhisay, waxaana jiray maalmihii ugu dambeeyay Khilaaf ka dhashay doorashada maamulka Galmudug oo uu sheegay in aan laga tashan faragalinta dowladdu ku heyso.

Xildhibaan dhalac ayaa  ka mid ah Xildhibaanada Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee laga doorto gobolka Mudug.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Qoraalka Wasiirka

Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20.09.20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir- kuxigenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa.
Sababaha aan isku casiley waxaa ka mid ah.

  1. Waxaan ku qanci waayey feragelinta Dowladdu ku heyso Dowlad Goboleeyadda dalka Ka jira, gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ay hadda ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug ‘ iyo Dasturka dalka uyaal,taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale , amni iyo mid hurumarineed.
    sidoo kale waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug Kuwaas kala ah mudug iyo galgaduud.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa
1 Xukuumada federalka iney ilaaliso
Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkanee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada.
2 Waxaan kaloo ayagana baaq udirayaa dowlad gobaleeda dalka Ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka utaal oo dastuurku ugu horeeyo
Iyo nidaamka federalismKa ee ay ku dhisan yihiin.
3 sidoo kale waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda, Ayna ka fekertaan qofka ay ku aaminayaan aayahooda.

Waxaan ugu horeeyn u mahad celinaayaa R/wasaaraha Xukuummadda mudane Xasan Cali Kheyre ‘ iyo golaha wasirada ee aan saaxiibada nahey mudadii aan wada shaqeyney
ugu dambeeyntii waxaan balan qaadayaa inaan ka shaqeyn doono midnimada iyo wanaaga ummadda soomaaliyeed, sidoo kale waxaan si dhow ula socon doonaa maslaxada dadka aan ku matalo golaha shacabka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment