1230 Views

Xildhibaano sheegay in Xukuumadda Afduubatay Baarlamaanka

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 27 2020–Ta iyo markii Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ay sheegeen in 27-ka Bisha June ay Guddiga doorashooyinka Qaranka hor-imaanayaan Baarlamaanka ayaa waxaa jirtay dhaleeceen ay guddiga kala kulmeen Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka,kuwaas oo u arkay in Madaxda dowladda ay wadaan qorsho ay mudada ku koror sanayaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhinacooda ku kala qeybsan Go’aanka Guddiga,waxaana qaarkood ay sheegeen in Xukuumadda ay bilaawday inay afduubato kuraasta Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi oo marka la gaaro doorashada lagu xisaabtamayo.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacbaka ee Gobolada Waqooyi kasoo galay Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo qoratay qaabka Xildhibaannad ay kusoo baxayaan,isla markaana dad gaar ah meel lagu aruursaday,sidoo kale dadka Gobolada Waqooyi kasoo jeeda aysan u madax banaaneyn inay kuraastooda doortaan.
Waxaa uu sheegay inay u yimaadeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Wasiirada una sheegeen qorshaha ay damacsan yihiin ee ah in iyaga ay soo xushaan Xildhibaannada kasoo galaya Baarlamaanka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland,hayeeshee ay taasi diideen.
Mudanayaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene ayaa ka hadlay arrintaan,waxaana uu sheegay in Shaqada Baarlamaanka ay afduubeyso Xukuumadda,isla markaana waqtiga bilka ah ee guddiga joogtada ugu dareen in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ku horyimaadaan Baarlamaanka ay mas’uul ka tahay Xukuumadda.

Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa kamid ah dadka walaaca ka muujiyay waxa ka dhalan kara hadii madaxda Dowladda ay isku dayaan inay sameeyaan muddo kororsi hadii uu muddo xiloodkooda dhamaado

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment