1692 Views

Wasiir ka tirsan xukumadda Zimbabwe oo Xabsi loo taxaabay

Wasiir ka tirsan xukumadda Zimbabwe oo Xabsi loo taxaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 09, 2019 —Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa xilka ka qaaday wasiirka dalxiiska Prisca Mupfumira, kaddib markii ay guddiga la dagallanka musuqmaasuqa ku soo eedeeyeen lacago la lunsaday xilligii ay iyadu ahayd wasiirka shaqada iyo dammaanad qaadka bulshada.

Lacagta malaayiinka doolar ee wasiiradda lagu eedeeyey iney lunsatay waxaa laga waayey qasnadda dadka howlgabka ay leeyihiin, waxaana lagu soo oogay dacwad ah iney ku takrifashay lacag dhan $94 milyan oo doolar.

Balse Ms Mupfumira ayaa diidday eedda loo soo jeediyey.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay Ms Mupfumira in xilka wasaradda shaqada laga qaaday bishii November 2017-kii.

Wasiiraddan ayaa noqoneysa wasiirki ugu horreyey oo xil ka qabta xukumadda Manangagwa oo xabsi loo taxaabo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment