1098 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo u ambabaxay Garoowe & Shir ka furmaayo

Wafdi ka socda Dowladda oo u ambabaxay Garoowe & Shir ka furmaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Eng. Cabdullaahi Cali Xassan ayaa maanta safar shaqo ugu ambo baxey Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland ee Magaalada Garoowe.

 

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi uu ka furi doonaa Kulanka wada-tashiga Hindise Sharciyeedka Shirkadaha oo socon doona muddo laba cisho ah.

 

Kulankan Wada-tashiga ah ayaa waxa ka qeyb qaadanaya Guddiga Aqalka Sare u qaabilsan Maaliyadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirrada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, Guddiyada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

 

Maalinta berito oo Isniin ah ayaa la filayaa in uu Shirkaasi ka furmo Garoowe,waxaana Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya uu sidoo kale uu la kulmi doonaan Madax katirsan Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment