1029 Views

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi

Madaxweyne ku xigeenka  Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan uu  dib ugu laabtay magaalad Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi.

Sayid Aadan  Saxaafada la hadlay Markii uu ku laabtay Kismaayo, waxa uuna ka hadlay bis mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in xal loo raadiyo caqabadaha iyo culeyska siyaasadeed ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda, hadii la’isugu imaanayo wada-hadallo dhab ah oo xal mideysan looga gaarayo khilaafka jira.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, gaar ahana gobolka Gedo, isaga oo shaaca ka qaaday in baartu ay saameysay dadka & duunyada oo u baahan gargaar bani’aadanimo oo deg dega.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html doorashada ee 2021-ka, abaaaraha iyo ammaanka dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post