258 Views

Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso xaaladda Laascaanood

Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso xaaladda Laascaanood
____________________________________________________________________________

Sabti: JANUARY 6, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo mar kale hadlay xaaladda Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso qalalaasaha ka taagan magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka damqanayaan in dad Soomaaliyeed oo calankii huwan ay dhibaatoonayaan.

Madaweynuhu wuxuu sheegay, in Somaliland looga baahan yahay inay hab ka duwan habkii hore u wajahdo xaaladda Laascaanood iyo nabad galyadeeda.

“Dadka inta qoriga laga daayo, dad la hadlo oo hadalkooda ay dhegaysanayaan haloo soo diro. Calool waxay ku bukootay laguma daaweeyo. Hadalada qaarkoodna kuwo qurqurxoon ma ahane hala iska daayo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in collaadda lasii huriyo, islamarkaana wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in hab ciidan loo adeegsado kicitaanka shacabku sameeyeen, isagoo ugu shacabka Laascaanood ugu baaqay inay isdajiyaan una diyaar garoobaan xal nabadeed iyo wada hadal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post