948 Views

Turkiga oo sheegay inay ka qeyb-qaadanayaan Wada-hadallada Somalia & Somaliland

Turkiga oo sheegay inay ka qeyb-qaadanayaan Wada-hadallada Somalia & Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2019–Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in xilligaan Soomaaliya u baahan tahay taageero ballaaran si ay u hesho xaalad deganaansho ah  oo Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladoodaba ay ku gaaraan guulweyn.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga  Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka sheegay Shirka Heerka Wasiir ee wadamada kujira Ururka Iskaashiga Islaamka in Soomaaliya u baahan tahay taageerada Turkiga iyo Duniada kale ee Islaamka si taageero looga geysto deganaanshaha Siyaasada,dib u dhiska Ciidamada  Ammaanka lana abuuro waji deganaansho ah si loo gaaro horumar dhaqaale.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in iskaashi laga yeeshay,isla markaana Soomaaliya maqaamkeeda si sare loogu qaadi lahaa Heerka ay haatan ka joogto Caalamka la diyaariyo.

 

Isaga oo shirkaasi khudbad ka jeedinayay ayuu sidoo kale sheegay in Dowladda Turkiga ay kaalin mug leh ka qaadan doonto wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo sanadihii u dambeeyey ahaa kuwo hakad ku jiray oo aan qabsoomin.

 

Ugu dambeyn waxaa Wasiirka uu soo hadal qaaday Arrimaha Doorashada Soomaaliya,waxaana uu sheegay in doorashadaas ay muhiim u tahay Soomaaliya,isla markaana ku xiran Mustaqbalka Soomaaliya.

 

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida weyn Soomaaliya u taageera,isla markaana gurmadyo deg deg ah la soo gaara markii ay dhibaatooyin kala duwan ka dhacaan Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment