1209 Views

Midowga Europe Iyo NATO Oo Kulan Ka Leh Hawlgaladda Ay Ka Wadaan Somalia

Midowga Europe Iyo NATO Oo Kulan Ka Leh Hawlgaladda Ay Ka Wadaan Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Taliyayaasha Milliteriga ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Europe iyo Isbahaysiga NATO ayaa waxay maanta Kulamo xiriir ah ku leeyihiin Caasimadda dalka Belgium ee Brusseles, ahna Xarunta Dhexe Miowga Europe ee EU-da.

Kulankaasi waxaa la shaaciyey in looga hadli doono Arrimaha Ammaanka, Difaaca, Horumarinta Awoodaha Milliteri,  Iskaashiga EU-da iyo NATO ee Hawlgalladda Milliteri iyo Tababaradda ee ay ka wadaan dalalka Caalamka.

 

Taliyayaasha waxay kaloo ka wada arrinsan doonaan Hawlgalka Ciiddanka Badda ee EU-da ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Hawlgalkaasi oo loo yaqaano (Operation Atalanta)  waxay Midowga Europe ka bilaabeen Xeebaha Somalia bishii December ee sannadkii 2008-dii, iyadoo Hawlgalkaasi muddo kordhin hal sanno ah loo sameeyey sannadkii hore.

Kharajka Miisaaniyadda ee ku bixi doona Hawlgalkaasi ilaa bisha December 31-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka ayaala sheegay inay dhan tahay 11.777 million oo Euro (€11.777 million).

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment