546 Views

Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Putin kala hadlay dagaalka Dalka Ukraine in uu joojiyo

Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Putin kala hadlay dagaalka Dalka Ukraine in uu joojiyo
____________________________________________________________________________



Arbaco: March 9, 2022

Madaxweynaha Senegal Macky Sall oo ah guddoomiyaha hadda ee Midoowga Afrika ayaa taleefoonkakula hadlay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, wuxuuna ka codsaday in xabad joojin laga sameeyo dagaalka Ukraine.

Waa hoggaamiyihii labaad oo sheega in uu Putin kala hadlay arrinta Ukraine, waxaana isaga ka horeeyay madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Sisi.

Madaxweynaha Senegal ayaa sheegay in uu ku farxay in madaxweyne Putin uu dhagaystay, islamarkaasna uu muujiyay in wadahadal wax lagu dhammayn karo.

Midoowga Afrika ayaa horey usoo saaray war murtiyeed uu ku baaqayo in la xurmeeyo madax banaanida dhuleed ee Ukraine.

Sidoo kale urur goboleedka Galbeedka Afrika ayaa isagu si qayaxan u cambaareeyay duullaanka Ruushka

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post