192 Views

Mustaqbalka laacibka kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham oo war ka soo kordhay inkastoo wararku ay sheegayeen inuu qarka u saaran yahay Real Madrid.

Mustaqbalka laacibka kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham oo  war ka soo kordhay inkastoo wararku ay sheegayeen inuu qarka u saaran yahay Real Madrid.
____________________________________________________________________________

 Isniin: January 2023

Mustaqbalka laacibka kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham ayaa war kale oo cusub uu ka soo kordhay inkastoo wararku ay sheegayeen inuu qarka u saaran yahay Real Madrid.

Wacdaraha uu Bellingham u dhigayo kooxdiisa iyo wadankiisa ayaa sarre u qaaday maqaamkiisa iyo sida ay u arkaan kooxaha waa weyn ee ka dhisan qaarada Yurub.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa qirtay inay ku adkaan doonto inay ceshtaan laacibkaan xagaaga soo socda.

19 jirkaan ayaa laf dhabar u ahaa xulka England Koobkii Adduunka ee Qatar ka dhacay iyadoo England ay gaartay wareega sideed dhamaadka, waxaana sarre u sii kacay qiimihiisa.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayay in Real Madrid ay ku hogaamineyso Liverpool saxiixa ciyaaryahanka iyadoo la sheegay in ciyaaryahanka uu doorbidayo Spain.

Si kastaba, warbixin qaas ah oo ay baahisay Football Insider ayaa lagu sheegay in aabihiis Mark uu doonayo in willkiisa uu u wareego Liverpool bilaha soo socda.

Suurtogal ma noqon doonto in Liverpool ay ciyaaryahanka la soo wareegto bisha Janaayo madaama Dortmund ay doonayaan inay ceshtaan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dortmund ayaa ku adkeysaneysa inaysan hal euro ka dhimi doonin qiimaha 150ka milyan euro ee ay duldhigeen laacibka Ingariiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post