1254 Views

Gabdhihii iskuuleyda ee dhawaan laga afduubtay waqooy bari Nigeria oo xoriyadda dib u helay

Gabdhihii iskuuleyda  ee dhawaan laga afduubtay waqooy bari Nigeria oo xoriyadda dib u helay
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Gabdhihii iskuuleyda ahaa ee dhawaan laga afduubtay waqooy bari Nigeria ayaa xoriyadda dib u helay.

Guddoomiyaha amniga ee gobolka Zamfara Abubakar Muhammad Dauran ayaa BBC u sheegay in 279 gabdhood ay haatan xoriyaddooda dib u heleen kuwaas oo ku sugan caasimadda gobolka ee Gusau.

Wuxuu sheegay in horraan gabdhaha la afduubtay tiradoodu lagu sheegay 317 balse tiradaas aysan aheyn mid sax ah isla markaana dhammaantood lasii daayay.

Ma kala cadda in lacag madax furasho ah la siiyay kooxihii afduubka geystay.

Gabdhahan ayaa subaxnimadii Jimcaha laga afduubtay iskuulka Jangebe, madaxweyne Muhammadu Buhari wuxuu ku tilmaamay afduubka ‘mid banii’aadanimada ka baxsan oo aan gebi ahaanba la aqbali karin’

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post