687 Views

Hay’adda INTERSOS oo ku dhawaaqday in ay joojineeyso howlahii caafimaad ay ka waday Somaliya..

Hay’adda INTERSOS oo ku dhawaaqday in ay joojineeyso howlahii caafimaad ay ka waday Somaliya..
____________________________________________________________________________

 

Hay’adda INTERSOS oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa maanta ku dhawaaqday inay xireyso howlgalkeedii Soomaaliya, ka dib 28 sano oo ay ka shaqeynaysay gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda INTERSOS, Kostas Moschochoritis, ayaa sheegay inay dood dheer kadib go’aan ku gaareen inay albaabada u laabaan howlahoodii Soomaaliya, isagoo sheegay in hay’addu iskaashi bani’aadamnimo iyo cilaaqaad dheer la lahayd dadka Soomaaliyeed.

Go’aanka lagu xirayo howlgalka INTERSOS ayaa daba socda kadib markii hay’addu muujisay walaaceeda ku saabsan nabadgelyada iyo amniga shaqaaalaheeda Soomaaliya iyo bulshada ay u adeegto

INTERSOS waxay sheegtay in ay weli si qoto dheer uga walaacsan tahay baahida dadka iyo bulshada ay u adeegayeen in ka badan 28 sano

“Waxaan ku jirnaa wada hadalo ku saabsan in aan sii wadno wax qabadyadeena suurtagalka ah si loo yareeyo nusqaanta ku imaan karta adeegyada loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda.

INTERSOS oo Soomaaliya ka howlgashay sanadkii 1992, waxay si gaar ah sanado badan taageero isdaba-joog ah u siin jirtay isbitaalka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe iyadoo ka howl bilowday sanadkii 1994.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post