867 Views

Puntland oo howlgal ku qabatay hub & dadkii watay

Puntland oo howlgal ku qabatay hub & dadkii watay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka Sameeyeen xalay Magalada Boosaaso waxaa ay ku soo qabteen Hub Sharcidaro ah iyo dadkii watay,waxaana  howlgalka hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka iyo Saraakiil Kale.

 

Howlgalkaan oo laga sameeyay bartamaha Magalada Bosaaso ayay Ciidamada Booliska waxaa ay  Gaadiidka ka fiiqayeen Bacaha Madow oo Puntland au horay uga mamnuucday deegaanadeeda,waxaana la sheegay in howlgalka ay ku qabteen Gadiid ay Booliska ku raad joogeen.

 

 

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/S Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska uga digay inay Gudaha Magaalada Boosaaso hubka la dhex-marin, iyada oo aan Shaqo ku jirin,waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadka hubka sharci darrada ah ku qaadata Gudaha Magaalada.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment