861 Views

Booliska Cabudwaaq oo sheegay inay qabteen dad dil geystay

Booliska Cabudwaaq oo sheegay inay qabteen dad dil geystay
____________________________________________________________________________

Habeeno ka hor degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay Nin Oday ahaa oo kamid ahaa dadka ka Shaqeeya dhismaha, waxaana Booliska ay sheegeen inay dad u qabteen dilkaas.
Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay kusoo xireen dad ay ku tuhmayaan dilka Odawaa Axmed oo gurigiisa lagu dhex dilay.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray taliyaha in dadkaasi ay baaritaan ku hayaan, isla markaana maalmaha soo socda u gudbin doonaan Maxkamad, hadii dambi lagu waayana la siideyn doono.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan waxaa uu sheegay in marnaba Booliska aysan ka hari doonin kiiskaas ilaa laga helo dadkii ka dambeeyay dilka Odawaa Axmed.
Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay uga dhacay dhowr dil, iyada oo qaarkood dadkii ka dambeeyay la qabtay halka kuwo kale ay weli Boolisla ku raad joogaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post