900 Views

Xaaji Cabdalla “Raalto waxay go’aansatay in ay urur gaar ah samaysato”

Xaaji Cabdalla “Raalto waxay go’aansatay in ay urur gaar ah samaysato”
____________________________________________________________________________

Xaaji Cabdalla oo ka mid ah aqoonyahanada  Soomaalida dalka Holland, ayaa soo dhoweeyey Guddi  Jaaliyadda Magaalada Raalto ay u xilsaartay in ay soo diyaariyaan dhismaha  urur ay Magaaladu yeelato, isaga oo tillaabadaasi ku tilmaamay mid mira-dhal ku dhow.

Xaaji Cabdalla, oo u waramayay majalada Somnieuws wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay jirto baahi Jaaliyadoodu u qabaan urur ay Soomalidu leedahay oo ka caawiya adeegyada ay u baahan yihiin.

“Raalto, waxay ka mid tahay Magaalooyinkii ugu horreeyey ee ay Soomaalidu soo dagtay 30 sanno ka hor, waxaa dagan qoysas Soomaali ah oo aad u fara badan, intii muddo ahayd Jaaliyadeenu waxay ku tolnayd Jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda [Zwolle en omgeving], haatan waxaan ka shaqaynaynaa in Magaaladu yeelato urur gaar ah” Ayuu yiri Xaaji Cabdalla, isaga oo intaasi ku daray in ay ololahan oo muddo soconayay uu ku yimid rabitaanka qoysaska Soomaalida ah.

“Midnimadu way ka af-badan tahay tafaraaruqa, community-geena waxaan u baahanahay in la helo dad innaga tirsan oo u heelan caawinta dadkeena, haddeey tahay hooyooyinka, ubadkeena iyo haddeey tahay dadka marka ay xanuunsadaan in ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, suurtagal ma aha dad “Zwolle” jooga oo aan baahideena dabooli karin inaan masiirkeena u hoos-fadhiisano, mushtamaca Soomaalida ah ee Raalto dagan waa mushtamaca isku filan” Ayuu yiri Xaaji Cabdalla.

Xaaji Cabdalla, waxaa kale oo uu sheegay in doonayaan in ay madrsad diini ah u furaan caruurta Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post