483 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kampala waxaan ka furi doonaa Iskuullo lagu barto afka iyo taariikhda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kampala waxaan ka furi doonaa Iskuullo lagu barto afka iyo taariikhda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 8, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa caawa la hadlay masuuliyiinta safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Madaxweynaha oo aad u amaanay firfircoonida jaaliyadda Soomaaliyeed reer Uganda ayaa soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay in la weyneeyo oo dunida la gaarsiiyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

“Safiirka iyo mas’uuliyiinta safaaradda waxaan farayaa in caruurta jaaliyadda dhaqankooda la ogaado, wasaaradda waxbarashadu waxay Kampala ka furi doontaa iskuullo Afka Soomaaliga iyo taariikhda sooyaalka Soomaalida lagu barto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Soomaalida reer Uganda uga mahad celiyey doorkooda dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, taas oo lagu dhisay olole isku tashi ah.

“Qofkii arki jiray gurigaan sida uu u ekaa ama ay dhibi jirtay dayacaadii heysatay, wuxuu dareemayaa muhiimada ay leedahay in dadku isku tashadaan oo qof walba uu sameeyo wixii uu awoodo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bolaalkii qof ee uu la hadlayey wuxuu ku guubaabiyey in hadii sida reer Uganda oo kale ay Soomaalidu isku kaashato in deg deg dib loogu soo celi karo dowladnimadii naga burburtay.

“Cadowga nagu habsaday waan iska dul qaadeynaa, Soomaaliya oo nabad ah oo shucuubta dunidu u soo dalxiis tagto, ayaan u taaganahay inaan sameyno, 15 sano cadowga dalkeena ka dagaalamaya, si wadajir ah ayaan isaga qabaneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Shabaab.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post