1116 Views

Puntland oo ka hadashay Odayaal lagu xiray Boosaaso

Puntland oo ka hadashay Odayaal lagu xiray Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso waxay u taxaabeen shan qof oo isugu jira Nabadoono, Cuqaal iyo Siyaasiyiin.

 

Mas’uuliyiintan ayaa dhowaan magaaladda Boosaaso ku qabtay shir ay ku dhaliileen xukuumada maamulka Puntland.

 

 

 

Boosaaso ayaa sidan oo kale horey loogu xiray odayaal iyo siyaasiyiin jeediyey hadallo ka dhan ah xukuumadda, kuwaas oo markii dambe la sii daayey.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Sabarey ayaa sheegay Odayaasha iyo Waxgaradka Bosaaso lagu xiray in ay Amniga halis ku ahaayeen.

 

Waxaa uu sheegay in ay hayaan Cadeymo muujinaya in ay doonayaan in ay dumiyaan maamulka Puntland, islamarkaana taageero ay ka helayaan Shaqsiyaad doonaya in Puntland burburto.

 

Waxaa uu sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono, islamarkaana Sharciga la marsiin doono.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment