966 Views

Qarax Khasaaro Geystay Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka tirsan Kenya Gobolka Lamuu ee dalkaas

Qarax Khasaaro Geystay Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka tirsan Kenya Gobolka Lamuu ee dalkaas
____________________________________________________________________________

April: Hol 5/4/2021

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog lagula eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas.

Gaariga ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ugu yaraan hal ruux oo ahaa Darawalkii waday ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaariga, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo Kenya leedahay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoona sheegay inay ku dileen Darawalkii gaariga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Askar Ciidan.

Saraakiisha Ciidanak Milateriga dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkii lagu qarxiyay Askar ka tirsan Ciidankooda oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan Gobolka Lamu ee gudaha dalkaas.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, xili ay socdaal ku jireen, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post