312 Views

DF Soomaaliya oo dalka dibeddiisa u qaaday qaar kamid ah Dhaawacyada Weerarkii Hoteel Xayaat

DF Soomaaliya oo dalka dibeddiisa u qaaday qaar kamid ah Dhaawacyada Weerarkii Hoteel Xayaat
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaar caafimaad oo dibadda ah u dirtay dadkii 19, bishii August ku dhaawacmay weerarkii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ka sagootiyay dadkaan dhaawaca ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in dadkaan oo Saddex ah kuna dhaawacmay Weerarka, gargaar caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga.

Dadkaan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwii ugu darnaa Dhawacyada la geeyay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, isla markaasna la go’aamiyay in aan dalka waxba looga qaban karin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post