678 Views

War deg deg ah: Qarax ka dhacay Xerada General Dhaga Badan, Ex Warshaddii hore ee Nac Naca

War deg deg ah: Qarax ka dhacay Xerada General Dhaga Badan, Ex Warshaddii hore ee Nac Naca
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Waxaa goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho Qarax Wayn oo ka dhacay xarun lagu tababaro ciidamada magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay xero ciidamada ee General Dhaga Badan, Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca oo Xiligaas ka socotay tababar iyo gaardisiin Ciidamada Dowlada ah.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo diyaarinayey ciidamo, si loogu tababaro xeradaasi.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post