606 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay geeridii Khadra Daahir cige

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay geeridii Khadra Daahir cige
____________________________________________________________________________

Axad: July 3, 2022

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Eebbe ha u raxmadee, Khadra Daahir Cige, oo kamid ahayd Fannaaniintii ugu magaca dheeraa hobolada Waberi, oo caawa ku geeriyootay magaalada Hargeisa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay kabaxday Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn uga baryay Eebbe in uu janadiisa ka waraabiyo marxuumad Khadra, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka, xigtada iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post