621 Views

Xubno ka socdo Qaramada Midoobey oo gaaray Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalidda Itoobiya.

Xubno ka socdo Qaramada Midoobey oo gaaray Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalidda Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24,2022

Madaxa gargaarka, bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay Dr Catherine Sozi iyo safiirro ka socda 5 waddan oo caalamka ah ayaa gaadhay magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalidda.

Safiirrada wadammada Italy, Japan, Switzerland, Finland iyo Czech Republic oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha UNICEF, USAID, FAO iyo IOM ayna hoggaaminayso Dr. Catherine Sozi, madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim iyo Afhayeenka Golaha Xildhibaannada ee DDS, marwo Ayaan Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa wafdiga ku qaabilay garoonka, waxa ayna hadda xarunta madaxtooyada kaga qeyb-gali doonaan kulan uu hoggaamin doono Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar; kaasi oo lagaga wada hadli doono barakacayaasha iyo dib-u-dajintooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post