429 Views

Warbaahinta Kenya oo looga digay ku dhawaaqista guuleystaha xilka madaxweynaha

Warbaahinta Kenya oo looga digay ku dhawaaqista guuleystaha xilka madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) ayaa uga digay warbaahinta inay shaaciso qofka ku guuleysta doorashada madaxtinnimada ka hor inta uusan ku dhawaaqin guddigiisa.

“Fadlan ha shaacinina inuu qof un guuleystay, annaga ayay shaqadeenna tahay in aan ku dhawaaqno guuleystaha,” ayuu yiri Wafula Chebukati oo ah guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

“Howshu waa mid ku socota hannaan caad-yaal ah, waxaad booqan kartaa boggeenna internetka si aad u aragto una xaqiijiso xogta ku jirta,” ayuu yiri, isagoo ula jeeda bogga Guddiga Doorashada oo ah.

“Natiijooyinka ku jirta boggaas waa isla kuwa guddiga [doorashada] uu u isticmaalayo dhameystirka hannaankan,” ayuu raaciyay.

Warbaahinta ayaa tan iyo markii ay billaabatay tirinta codadka soo bandhigayay natiijooyin kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post