1185 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu soo hagaagayo.

Kheyre ayaa is barbar dhigay heerka uu gaarsiisan yahay calaaqaadka labada Dowladood labadii sano ee lasoo dhaafay.

Wakiil ka socday Maamulka guud ee Hay’adda hormarinta Mareykanka ee USAID waxa ay kawada hadleen Xasan Cali Kheyre dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, Ammaanka, Deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii hore ee labada Dowlad wada galeen.

Xasan Cali Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadda Washington ay dib dalka ugu furaneyso Xafiisyadii ay ku lahayd Soomaaliya xiligii Dowladii Militariga ahayd jirtay.

Waxa uu rajo ka muujiyay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaalada kala duwan ee socda, waxaana uu sheegay in hadii deynta laga cafiyo dalka fursado maalgashi la heli doono.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment