1635 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Qaabilay Maamulaha Guud ee Guddiga Badbaadada Caalamiga

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Qaabilay Maamulaha Guud ee Guddiga Badbaadada Caalamiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 15, 2018 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Maamulaha Guud ee guddiga badbaadada caalamiga ah (IRC), David Miliband, oo socdaal ku yimid Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo David Miliband ayaa ka wada hadlay guud ahaan barnaamijyada IRC ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta caafimaadka.

Guddiga badbaadada caalamiga ah ayaa ka shaqeeyaa gargaarka bini’aadninimo ee caalamka, iyo barnaamijyada horumarinta, waxa uuna gargaar degdeg ah iyo caawimaadda waqtiga fog siiyaa qaxootiga iyo dadka ku barakacay dagaallada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment